Waa maxay Transfer Galaxy?

Transfer Galaxy, waxaan isku dayeynaa inaan wax yar adduunka ka dhigno caddaalad. Markiiba talaabo. Waxaanu rabnaa inan lacagaha caalamiga ah ka dhigno raqiis, aaminad iyo dagdagsiimo.

Waxay ku bilaabatay niyad-jab safka dheer ee wakiilka Western Union. Safka wuxuu ahaa mid dheer, khidmadu waxay ahayd mid aad u sarreeysa, adeeguna wuxu ahaa mid aan jirin. Saddexda saaxiib waxay ahayen ku yaaban oo niyad jabsan.

Dadka qaarkood waxay ahaayen kuwo la yaaban dhibata ka tagan Xawaladaha; kuwa kale waxay isku dayaan inay xal u helaan dhibaatooyinka. Saddexda saaxiib waxay arkeen suurtogalnimada, isla markaana ka Transfer Galaxy ayaa la aasasayn oo dhalatay.

Maanta, wali waxaan nahay shirkad dhibaatooyinka xallisa. Waxaanu adeegsanaa tiknoolajiyada si loo xaliyo dhibaatooyinka anagoo gacan ka heleyna tiknoolijiyada, waxaan ku wareejin karnaa lacag dhinac kale ee adduunka dhowr ilbidhiqsi gudahood.

Laga soo bilaabo Stockholm ilaa Mogadishu. London ilaa Accra. Paris ilaa Manilla. Muhiim maaha meesha adduunka aad joogto, adeega wuu ku shaqaynaya. 

Waxaan ka dhignay xawaaladaha sidii ay ahayd inay noqdaan. Taas oo loogu talo galay qoxootiga. Ay sameeyenena qoxooti.

Sheekadeena

Sannadkii 2014 waxaan go'aansanay inaan wax ka qabano xawaaladaha. Waxaan rumeysannahay in lacagaha dibadda loo dirayo ay ahaadan mid sahlan sida loo diro lacagaha gudaha. Maanta waxaannu ka shaqaynaa hadafkaas sidu ku hargali laha. Tani waa sheekadeena:

  1. Shirkadda la aasaasay

    Asxaabta caruurnimadii Cali, Khalid, Yosef, Abdirahman & Mustafa waxay ku daaleen safka wakiilka Wester Union bil kasta. Iyagoo aaminsanaa in lacagaha xawilaadaha laga dhigi karo wax fudud waxay aasaaseen TransferGalay AB.

    2014
  2. Qaabaybta & Tijaabinta

    Ayagoo ka shaqaynaya shaqo wakhti buuxda ah. Aasaasayaashu waxay maalgeliyaan wakhti iyo lacagna u hureen horumarinta Transfer Galaxy. Waxayna si wadeen qaabaynta iyagoo masuuliyad ku haya maskaxda.

    2015
  3. Furitaankii & Maalgalintii

    Shirkaddu waxay bilawday adeegeedi waxayna shaqaaleysiisay qofkii ugu horeeyey si buuxda. Waxayna maalgalin dhaqaale ka heshay Backing Minds, iyadoo ku guulaysatay Shirkadda Gacansi ee ugu fiican 2016 ee Business Challenge.

    2016
  4. Ballaarinta Liisanka -SFSA

    Ali iyo Yosef waxay ka tageen shaqadoodii hore si ay wakhti buuxa uga shaqeeyaan Transfer Galaxy. Haayada Lacagta ee Swiidhan SFSA ("SFSA") waxay Bishii May 2017 u ogolaatay shirkadu inay lacag ka diri karto dhamaan Yurub. Shirkadda ayaa sii koraysa, maaddaama ay kuso kordhayan macmiil cusub.

    2017
  5. Maalgalinta A

    Horaantii 2018 shirkaddu waxay ku dhawaaqday in ay heshay $ 3.7 M maalgelin ka timid shirkadda maalgashiga ee Alfvén & Didrikson. Maalgashiga waxa loo adeegsanaya sidii loo sii wanaajin lahaa adeega oo uu caalamka dhan u gaari lahaa.

    2018
  6. Kobaca iyo rikoorada taariikhda galay

    Transfer Galaxy waxay ku so dartay dhowr wadan oo cusub oo ka mida Bariga Dhexe. Waxan bilaabeyna adeeg cusub, waxaan sido kale u dabaal dagaynaa 1bilyan oo karoon oo lagu diray adeegeena dhexdiisa.

    2019
  7. Balaadhin

    Transfer Galaxy waxay furtay xafiis cusub oo Jarmalka ah si aan u kobcino adeegeena ka baxsan Nordicga. Shirkaddu waxa hada u shaqeeya ilaa> 60 shaqaale ah waxayna dirtay lacag ka badan 3 bilyan oo Swiidhish Karoon ah.

    2020
  8. Horumar iyo xasilooni

    Transfer Galaxy waxay dad badan ka caawisaa in ay hab casri ah lacag ugu dirsadaan gacalkooda. Waxayna liiska dalalka loo diro lacagaha ku soo kordhisay dalka Taaylaan. Shaqaalaheeduna wuxuu kor u dhaafay 80 ruux oo kasoo kala jeeda ku dhawaad 20 dal, iyadoo u dabbaaldageysa ku guulaysashada in ay dirto 5 bilyan oo SEK.

    2021