Nidaamka PEP

Siduu fasirayo sharciga 2009 Cutubka 62:aad ee wax ka qabadka lacag-been-xalaaleysiga iyo maalgalinta argagixisada waxaa jira xeerar khuseysaa xiriirka u dhexeeya ganacsatada iyo dadka siyaasada ku dhex jira ama xiriir la le siyaasiyiinta (oo lagu sheego PEP).
Sharciga lacag-been-xalaaleysiga wuxuu PEP ku fasirayaa "Shaqsiga xil dowladdeed oo sare haya ama soo hayn jirey iyo ehelkiisa u dhow iyo asaxaabtii kale ee lago ogyahay"  FFFS 2009: 1 waxaa ku sii jira xeerar kale oo saa’id ah.

Xilalka uu khuseeyo:

  • Madax Qarran
  • Madax Dowladd
  • Wasiir
  • Wasiir ku-xigeen
  • Xildhibaan Barlamaan
  • Garsoore Maxkamad Sare
  • Garsoore Maxkamadda Dastuuri
  • Madax sare oo ka mid ah ha'yad dowladdeed oo hanti dhawri ah
  • Xubin ka mid ah nidaamka Baangiga dhexe
  • Ambaasadoor
  • Gudoomiye arrin
  • Saraakiisha Sare ee ciidamada qalabka sida
  • Xubin ka mid ah maamul dowladded, masuuliyad ama kormeerid ah
  • Shaqsi mar hore xil ka soo hayn jirey bulshada Yurub gudeheed ama heer caalami ah oo ah xil la mid ahan kara kuwa dhusha ku qoran 

 

Xidhiidhka shuruudeysan e shaqsiga kor ku qoran waa: 

  • Xaaska
  • Qof saxiib(ad) loo arko in uu sharci ahaan la beegmo xaas
  • Caruur
  • Caruurta xaaskoda/ saaxiibadooda xaas la beegma
  • Waalid

 

 Wixii kale:

  •  Shaqaaleyaal la ogyahay oo u haya ama uga shaqeeya shirkad

Taabashada aan ku taabato badhanka “Abuur koonto” waxan anigu ku xaqiijinayaa in aan si sax iyo run u ah maclumaadka u soo gudbiyey. Waxa kale ee aan xaqiijinayaa in aanaan hayn ama hayn jirin xil sare oo siyaasadeed ama xil sare oo dowladdeed ama qof ehelkeyga ah oo lgu sheego PEP haynin xilalkaas oo kale.