Ka Warhaynta iyo Ka hortagga Khiyaanada

Hadii aanu nahay Transfer Galaxy ayay ilaalinta ammaanka macaamiishayadu tahay mudnaantayada ugu sareysa. Waxaanu qaadaynaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si aan taas ugu hubinno. Dunida khiyaanada, oo had iyo jeer isbedbedalaysa, ayaa in wax lala socdo ay aad muhiim u tahay. Waxay lama huraan u tahay si loo ilaaliyo macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed iyo dhaqdhaqaaqyada lacagta/dhaqaaleha. Waxaanu hoosta idinkula wadaagi doonaa qaar ka mid ah khiyaamooyinka caadiga ah. Waxaanu sidoo kale ku siin doonaa tallooyin muhiim ah si ay kaaga caawiyaan inaad macluumaadkaaga ilaaliyo.


1. Khiyaamada Phisshing


Waa maxay phishing?

Waxay Khiyaamada Phishing la xiriirtaa isla xoo xiriir musuqmaasuq ah, badiyaa iyadoo la soo marayo E-maylka, qoraal sms ah, ama bogg internetka, kaas oo loo qorsheeyay si laguugu khiyaameeyo inaad bixiso macluumaad xasaasi ah sida macluumaadka shaqsiga, macluumaadka bangiga iyo xarafka sirta ah.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Xaqiiji isha xogta: Ka fiirso fariimaha ka imanaya dadka aan la aqoonin, xitaa haddii ay u muuqdaan inay ka imanayaan shirkad la aamini karo. Hubi khaladaadka ama ciwaannada E-maylka ee qariibka ah.
  • Ha gujin Linkiyada: Ha gujin linkiyada ama ha la soo degin lifaaqyada E-maylada aadan aqoon ama aadan fileynin.
  • Hubi URL-ka: Hubi inaad xaqiijiso in URL-ka bogga internetku uu ka bilaabmayo "https://" oo uu sumadda qufulka leeyahay ka hor inta aanad wax macluumaad shakhsi ah bixin.


2. Khiyaanada Maaliyadeed



2.1. Khiyaanada Kaarka Daynsiga

Waa maxay Khayaanada Kaarka Daynsiga?

Waxa ay khiyaanada kaarka deynsigu dhacdaa marka qof isticmaalo macluumaadka kaarka deynsiga isaga oo aan ogolaansho haysan, badiyaa si loogu sameeyo wax iibsi ama ka bixin aan la ogalayn.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • La Soco Dhaqdhaqaaqa xisaabta koontada: Si joogto ah dib ugu eeg xisaabaadka bangigaaga iyo kaarka deynsiga si aad u aragto wixii dhaqdhaqaaqa ee aan la ogolaaday.
  • Xafid Xogtaada: Isticmaal bog aamin ah markaad wax kala iibsiga online-ka ah sameynayso oo waligaa cid ha kula wadaagin macluumaadka kaarka deynsiga telefoonkaaga ama E-maylkaaga.
  • Isticmaal Digiin: Sameyso digniin kuu sheegeysa dhaqdhaqaada koontadaada si aad u hesho ogeysiisyada dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi ahayn.

2.2. Khayaanada Xawilaadda Bankiga

Khayaanada Xawilaadda Bankiga?

Khiyaanada xawilaadda bangiga, ama khiyaanada xawilaadda waayerka, waxay dhacdaa marka dadka wax khayaamayaa ay dadka ama ganacsiyada ku khiyaamaan inay si toos ah koontadooda lacag ugu soo diraan. Waxay dadkaa wax khiyaamayaa iska dhigaan ganacsiyo ama bangiyo dhab ah.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Xaqiiji Dalabka: Had iyo jeer hubi dalabaadka xawaalada bangiga, gaar ahaan haddii aanad filaynin ama ay lacag badan yihiin. Si loogu hubiyo in dalabku dhab yahay, toos ula xiriir qofka ama ururka adigoo isticmaalaya hab aad taqaano oo aad ku kalsoon tahay.
  • Ka Digtoonow Khiyaanada Phishing: Ka digtoonow E-maylada, telefoonada, ama fariimaha macluumaadkaaga bangiga ku weydiisanaaya. Waxay dadka wax khiyaamayaa inta badan isku dayaan inay ku khiyaaneeyaan si aad ugu siiso macluumaadkaaga shakhsiga iyagoo iska dhigaya qof aanay ahayn.
  • Isticmaal Tallaabooyin Amni oo Adag: Hubi in koontada bangiga ee internetka lagu ilaaliyo xaraf sir ah oo adag. Samee laba hab oo lagu xaqiijiyo (2FA) halka la heli karo ku dar hal lakab oo sugidda ammi ah.
  • Si joogto ah dib u eeg koontada: Si joogto ah uga hubi koontadaada bangiga si aad ugu aragto lacag kala wareejinta aan la ogolayn ama dhaqdhaqaaqyada shakiga leh. Isla markiiba bangigaaga u soo sheeg wixii is khilaafsan.


3. Khiyaanada sadaqada


Waa maxay khiyaanadasadaqadu?

Khiyaamooyinka khuseeya samafalka ee ka faa'iidaysanaya naxariistaada iyaga oo iska dhigaya ururro samofal/khayri ah oo dhab ah iyo/ama warbaahinta bulshada u isticmaalaya si ay gargaar dhaqaale ugu weydiistaan.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Soo baadh Hay'adaha Samofalka: Xaqiiji inay hay'adaha samafalku qaar sharciyaysan yihiin, tusaale ahaan: Hubi inay Hay'ada samafalku ka diiwaan gashan tahay hay'ad dawladeed
  • Iswiidhan codsiyada degdega ah: Waxay dadka wax khimaamayaa inta badan abuuran dareen ay dadka degdeg ku galiyaan si ay ugu degdegaan inaad wax ku tabarucdo iyada oo aan saani waxba loo hubin.
  • Baraha bulshada: iska ilaali qoraalada baraha bulshada ee lagugu weydiisanaayo caawimo ama deeqo. Waxay qoraalladani aanay badiyaa wax xiriir ah la laheyn hay'adaha samafalka ee sharciga ah
  • Toos wax ugu Tabaruc: Halkii aad wax kaga bixin lahayd E-maylo ama qoraalo, toos ugu tabaruc bogga rasmiga ah ee hay'ada samafalka.
  • Ilaali Xogtaada: Iska ilaali inaad bixiso macluumaadka shakhsi ahaneed ee loo baahanyahay si loogu isticmaalo in aqoonsiga la xaddo.


4. Khiyaanada Jaceylka


Waa maxay khiyaanada jaceylku?

Khiyaanada jaceylku waxay ku lug leedahay abuurista borofayl been abuur ah oo goobaha shukaansiga iyo baraha bulshada ah si loogu abuuro cilaaqaad iyadoo kama dambeyntii dhibanayaasha lacag laga khiyaano.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Ka Digtoonow Cilaaqaadka internetka: Ka digtoonow dadka jacaylkooda dhakhso u muujiya ama diida in si fool ka fool ah loola kulmo.
  • Lacag Ha Dirin: Weligaa lacag ha dirin ama ha la wadaagin macluumaadka maaliyad ahaaneed qof aanad shaqsi ahaan la kulmin.
  • Hubi Sheekadooda: Fiiri sawiradooda adigoo isticmaalaaya habka sawir dib u raadinta. Kadibna hubi xogtooda si aad ugu hubiso inay dhab tahay.
  • Soo sheeg Macluumaadka qofka laga shakiyo: U sheeg bogga la iska shukaansado ama goobta warbaahinta bulshada haddii aad ka shakisan tahay inuu qof dadka wax khiyaama yahay.


5. Khayaanada Maal-gashigu


Waa maxay Khayaanada Maal-gashigu?

Waxay dadka wax khiyaamaa dadka ku khiyaameeya inay maalgashadaan maalgashi been abuur ah ama khatar ah. Waxay dadka u balan qaadaan inay lacag badan samayn doonaan.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Isticmaalka Shakhsi ahaaneed oo Kaliya uun: Macaamiisha ayaan loo ogolayn inay Transfer Galaxy u isticmaalaan sababo kasta oo ganacsi.
  • Codsiyada Lacag-bixinta Ganacsiga: Haddii lagu weydiiyo inaad Transfer Galaxy u isticmaasho nooc kasta oo lacag-bixinno ganacsi ah, ayay aad ugu badan tahay inay tani noqon doonto mid khiyaano ah. Xawilaada ganacsi ee sharciga ah waa in lagu sameeyaa qaababka bangiyada ganacsiga ee saxda ah.


6. Khayaanada Taageerada Farsamada


Waa maxay Khiyaanada Taageerada Farsamada?

Khiyaanada taageerada farsamada tikniyoolajiyaddu waxay ku lug leedahay dadka wax khiyaama oo iska dhigaya inay yihiin wakiilo taageero dhanka farsamo ahaaneed bixinaaya si ay u helaan kombuyuutarkaaga ama macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Xiriir aan la rabin: Iska ilaali wicitaanada telefoonka ama fariimaha lama filaanka ah ee sheegaya in kombuyuutarkaagu uu jabay oo u baahan yahay in la hagaajiyo.
  • Xaqiiji Codsiyada: Haddii aad hesho taageero dhanka farsamada tiknolojiyada ah, xidh telefoonka oo shirkada di toos ah ula xidhiidh adigoo isticmaalaya lambar rasmi ah oo la yaqaan.
  • Ogolaansha ay ku soo galaan ha siin: Weligaa ha u ogolaan inay ciddi meel fog ka soo gasho kombiyutarkaaga ilaa aad adigu xiriirka bilowday oo aad wakiilka taageerada xaqiijiso.
  • Xogta Shaqsiga ee Sugan: Ka fogow in aad macluumaadka shakhsiga ama maaliyada la wadaagto kaaliyayaasha tignoolajiyada ee aan la codsan.


7. Waa maxay


khayaanada wax iibsiga?

Waxay khiyaanada wax iibsigu ku lug leedahay dukaamada internetka ee been abuurka ah ama adeegyada been abuurka ah ee kugu khiyaaneeya inaad bixiso alaab ama adeegyo aan waligeed laguu soo dirin.

Sida La Isku Ilaaliyo:

  • Isticmaal Boggaga internetka ee Sumcadda leh: Ka dukaamayso shabakadaha caanka ah ee la aamini karo oo raadi faallooyinka iyo qiimaynta laga bixiyay cida wax iibinaysa.
  • Hubi Xiriir Sugan: Hubi inaad xaqiijiso in URL-ka bogga internetku uu ka bilaabmayo "https://" oo uu leeyahay calaamad quful kahor inta aanad gelinin wax macluumaad shakhsiya ah.
  • Ka Digtoonow Heshiisyada: Iska ilaali qiimaha u muuqda inuu yahay mid aad u wanaagsan inuu run ahaado. Ha u ogolaan inuu qofna kugu dedejiyo inaad wax iibsato.
  • Isticmaal hababka lacag-bixinta sugan: Isticmaal kaararka deynta ama adeegyada lacag bixinta ee sugan ee kaa ilaalinaaya khiyaanada.



Ka warbixinta iyo Caawinta

Haddii aad ka shakisan tahay dhaqdhaqaaqyo khiyaano ah oo ku lug leh koontadaada aad ku leedahay Transfer Galaxy, fadlan welwelkaaga u sheeg bangigaaga, booliiska oo isla markaaba la soo xiriir kooxdayada adeegga macaamiisha.

Xiriirka Adeegga Macmiilka waxa laga heli karaa halkan:

Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan booqo Europol Public Awareness and Prevention Guides



Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan booqo Europol Public Awareness and Prevention Guides.
Waad ku mahadsan tahay intaad isticmaalayso Transfer Galaxy.