20 July, 2023

Ogow Waxa ku soo Kordhay Transfer Galaxy

Kooxdeena oo ay ka go’antahay in ay ka dhigaan adeega lacag dirista caalamka mid casri ah, fudud oona raqiis ah, waxey had iyo goor ku dadaaleysaa in ay kor u qaado qiimaha adeegyada aan u fidino macaamiisheena. Sidaas owgeed, waxaan ku faraxsannahay in aan idinla wadaagno adeegyadeena cusub.

Hadda, waxaad Transfer Galaxy ka dalban kartaa dhibit kaar oo aad ku isticmaali kartid EUR, iyo dirasho deg-deg ah (TG instatnt) Yurub gudaheeda.

Waxaa dhibit kaarka dalban kara macaamiishii hore iyo kuwa cusub ee ku sugan dalalkaan; Sweden, Norway, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, France, Austria, Belgium, Cyprus, Estonia, Latvia, Lithuania, Italy, Greece, Iceland, Ireland, Malta, Poland, Portugal, Slovenia, Slovakia, Spain.

Sidoo kale waxaad si deg-deg ah lacag ugu dirsan kartaa gacalkaaga ku sugan Yurub ee isticmaala app-ka Transfer Galaxy sida Sweden, Norway, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, France, Austria, Belgium, Cyprus, Estonia, Latvia, Lithuania, Italy, Greece, Iceland, Ireland, Malta, Poland, Portugal, Slovenia, Slovakia, Spain.

Dhamaan adeegyadan cusub, oo ay lacag dirashada kuu dheertahay, waxaad ka heli kartaa app-keena.

Haddii aad website-ka isticmaashid fadlan lasoo deg appkeena oo tijaabo adeegyadan cusub.

Ma rabtaa in aad ogaatid sida loo isticmaalo? Halkaan ka baro:

Lacag ku Shubida Haraaga iyo Dhibit Kaarka Transfer Galaxy

  1. Marka aad gashid app-ka Transfer Galaxy, waxaad arki doontaa ‘Haraaga Akoonka’ oo ku taala qeybta kore ee shaashada. Ku dhifo ‘Sameyso haraa’.
  1. Marka hore ku darso lacag haraagaaga, oo dalbo dhibit kaar. Ku dhifo “Sameyso haraa” ku taala qeybta hoose ee shaashada. Waxaad durbadiiba heli doontaa dhibit kaar onleyn ah (virtual) oo aad isla markiiba isticmaali kartid. Sidoo kale waxaad dalban kartaa dhibit kaar laf ah, kaas oo kuugu imaan doona 15 maalin gudahood.
  1. Marka aad isdiiwaangelisay, xogtaada shaqsiga si otomaatik ah ayaan u soo guurineynaa. Si aad u dhameystirtid, fadlan aqri oo aqbal Sharciyada iyo Shuruudaha. Kadibna ku dhifo ‘Hubi Xogta Koontada’.
  1. Isla marka aad hubisid xogta koontada, waxaa taleefankaaga  kuugu soo dhici doona koodka hubinta oo ka kooban 6 god. Geli koodkan talaabta xigta si aad u dhameystirtid hubinta.
  1. Talaabta xigta waa in aad dooratid habka hubinta. Wadamada sida Sweden, Norway, Denmark, iyo Findland waxaa isku hubin kartaa e-ID aqoonsiga onleyka (BankID, MitID iyo aqoonsiga bangiga iyo taleefanka ee Finland. 
  1. Waxaa lagaa rabaa in aad ka jawaabtid laba su’aal oo ku saabsan ujeedka koontadaada iyo in aad sameysatid fure-sireed. Fure-sireedka bedelkiisa waxaad sameysan kartaa fure-jireed (wejiga ama faraha).
  1. Waxii intaa ka dambeeya kaarkaaga Transfer Galaxy iyo haraaga koontadaadu waa diyaar, Waxaa kuu soo dhici doona fariin haqiijineysa diyaar ahaanshaha koontadaada ilbiriqsiyo gudahood.

 

Dirashada deg-dega ah ee gudaha Yurub “TG Instant”

  1. Loo diraha waa in uu joogaa mid ka mid ah wadamada midowga Yurub si loogu diro lacag, waana in uu degsadaa kana diiwaangashanyahay app-ka Transfer Galaxy.

  2. Marka aad gashid app-ka Transfer Galaxy, waxaad arki doontaa ‘Haraaga Akoonka’ oo ku taala qeybta kore ee shaashada. Ku dhifo ‘Riix si aad u aragtid’. 

  3. Dooro “TG Instant’ hoos kaaga muuqata. 

  4. Ku qor lambarka qofka loo wareejinayo ama ka soo dooro keydka diiwaanka.
     
  5. Geli cadadka lacagta oo riix “Wareeji lacag”

 

Wixii warbixin dheeraad ah ama caawin ku saabsan adeegyadaan cusub, ama adeega lacag dirishada, waxaa diyaar kuu ah kooxdeena taageerada macaamiisha iyagoo kugu caawin doonaan luuqadaha English, Swedish, Somali, Arabic, Thai, German, Bosnian, Serbian, and Tigrinya.