26 June, 2023

Premier Wallet – Dirasho Khidmad La’aan iyo Deg-deg ah

Premier Wallet – Dirasho Khidmad La’aan iyo Deg-deg ah:

Si aan idiinkaga xalinno caqabaddii ka dhalatay daaha lacagaha, waxaan aad ugu faraxsannahay in aan idiin soo kordhinay Premier Wallet, oo ah adeeg aanu si gaar ah ugu talagalnay macaamiisheena qaaliga ah oo lacagaha u dirsada Soomaaliya & Somaliland. Premier Wallet waa adeeg deg-deg ku gaarsiinaya lacagaha, sidoo kalena ah khidmad la’aan mudo kooban.

Faa’iidooyinka Premier Wallet, waxaa ka mid ah:

1. Dirasho deg-deg ah: Waad is deyseen dib-u-dhac dambe! Dirashadaada horay ayaa laga gudbin doonaa, qoyskaaga iyo saaxiibadaane lacagta durbadiiba wey u dhaceysaa iyagoo danahooda maaliyadeed ku fushanaaya sugid la’aan.

2 Khidmad la’aan: Si aan idinkaga raali gelino una abaalmarino samirkiina, waxaan idinka dhaafnay dhamaan khidmadaha adeega Premier Wallet mudo kooban. Taas oo ka dhigin in aad lacagaha ku dirsataan idinkoon bixin qarash dheeri ah.

Waxaan aaminsannahay in Premier Wallet uu aad kor ugu qaadi doono adeegga lacag dirshada dibna idiinkuugu soo celin doono hufnaanta iyo caqabad la’aanta lacag dirashada aad u qalantaan. Kooxdeena waxey har iyo habeen isku howshay sidii ay ugu fulin laheyd xalkaan sida ugu dhibka yar macaamiisheena qaaliga ah.

Si aad u isticmaashid Premier Wallet uguna faa’iideysatid khidmad la’aanta iyo dirshada deg-dega ah, fadlan raac talaabooyinkan fudud ee isdiiwaangelinta oo ku xusan bogooda https://premierwallets.com ama booqo xarumahooda, halkaas oo ay si wanaagsan kuugu caawin doonaan.

Waxaan markale idiinkaga mahadcelineynaa taageeradiina iyo fahamkiina joogtada ah inta lagu jiray arrinkan. Qiima weyn ayey inoo leedahay aaminaadiina, waxaana naga go’an in aan idiin siino adeeg lacag dirasho oo haqab-tira baahidiina.

Haddii aad qabtid su’aalo, u baahantahay caawinaad dheeri ah, ama aad jecleysatay in aad nala wadaagto fikirkaaga ku aadan adeegga Premier Wallet, fadlan toos ula soo xiriir kooxdeena taageerada macaamiisha heeganka ah. Waxaan halkaan u joognaa in aan ku caawino, xalinno cilad walba oo idiin soo wajihi karta.